Iskuulkayaga

Dugsiga Sare

  • Ma doneysaa inaad iskool bilawdo?
  • Ma doneysaa inaad saxibo cusub baratid?
  • Ma doneysaa inaad diinta Islamka sii baratid?
  • Ma doneysaa inaad luqada Norwejiga iyo bulsho la dhaqanka baratid?
  • Ma doneysaa inaad caafimaadka wanagsan iyo siyabaha lagu helo baratid?
  • Ma doneysaa luqada carabiga inaad baratid ?
  • Ma doneysaa inaad jimcsatid waqtiga iskoolka?
  • Ma doneysa inaad bartid kumbuyuutarka sida loo isticmalo?
  • Ma jeceshahay inaad sawiro qaadid iyo inaad film duubtid?

Hadaba ka soo codso bos iskoolka Urtehagen Videregående Privat skole!

Casharadu waxay ku baxan luqada norwejiga, waxa aan ka ahayn xisada af carabiga. Iskoolkan waxa la dhigtaa sanad. Xisooyinka waxaa laqaataa 5 maalmood usbuucii. Ardaydo dhan waxay qaatan xisadahaan: Islam, Helse, Arabisk, Data iyo Idrett.

Iskoolku waxuu ka sii shaqeynaya sidii aad shaqo ku heli lahayd markad dhameyso iskoolka. Iskoolkan wa iskool sharciyeysan xagga dowladda oo qofkii raba wuu ku qadan kara stipend iyo lån.

Iskoolkan waxay wada shaqayn ka dhaxaysa Urtehagen Internasjonal, oo ah xanano carureed oo kutaal Burco. Halkaas oo ay ku nool yahin 60 caruur ah, kuna heyso hooyo Fowsiya Janaale. Caruurtaan oo markodii hore aan wax ehel ah haysan. Caruurta waxaa lagu daryeelaa halkaas oo ah meel ay daganyihin, cafimadkoodana looga warqabo, iskoolna ay dhigtan, kuwa pravat ah iyo kuwo dowladeedba.

Waxyaabahaan oo dhan baad ka qaybqaadan haddii aad nagusoo biirtid. Ku soo dhawoow iskoolka! 

 

 

 

Rull til toppen